Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -March 22-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST MARCH,22 2021

Nambarada ay soo saartay Isniinta Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay ka tarjumayaan maalin kale oo kiisaska cusub ee Koronfayriska iney ka badnaayen 1,000 qof

Waaxda Caafimadka ee Minnesota MDH ayaa sheegtay in 1,152 laga helay cudurka Koronfayriska maalintii ugu dambeysay, taasoo ka dhigeysa wadarta gobolka Minnesota 506,376 qof oo ku dhacay cudurka Koronfayriska tan iyo bilowgiisi.

Maanta waxay aheyd maalin aad loogu farxo sababtoo ah wax dhimasho cusub ah looma soo sheegin gobolka Minnesota. Taasi waxay ka dhigeysaa wadarta dhimashada ee 6,782, iyo kuwa dhimashada 4,248, ama 63% ka mid ah waxay ahaayen dad da’doodu ka weyntahay 65 kuna noola meelaha dadka waayelada lagu xanaaneyo.

Dadaalka tallaalka ee Minnesota ayaa si isdaba joog ah u socda, iyada oo 1,430,349 qof ay heleen ugu yaraan hal qiyaas oo ah tallaalka COVID illaa Sabtida. Taasi waa 25.7% dadka gobolka oo ah 5.6 milyan. Warbixinta  tallaalka ayaa sheegaya in 850,829 qof ay dhammaystireen taxanaha laba-tallaal oo gebi ahaanba la tallaalay.

Recent Posts

Leave a Comment