Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -March 24-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST MARCH,24 2021
Waaxda caafimadka ayaa manta sheegtey inuu sarakacay dadka ku jira isbitaalada uuna ku dhacay cudurka Koronafayriska 332 qof ayaa la dhigay isbitaalka COVID, 93 ka mid ah oo leh astaamo daran oo u baahan in lagu daaweeyo ICU. Taasi waa tirada ugu badan tan iyo Janaayo 28, markii 95 bukaan ah ay qaadanayeen daryeelka ICU.
Isku dark aiyo wadarta isbitaalada ayaa kor u kacay ilaa 26,859 ilaa iyo markii cudurka faafa uu yimid Minnesota. MDH ayaa sheegtay in 1,323 kiis oo cusub la soo sheegay maalintii la soo dhaafay, halka ay ahayd 870 maalin ka hor. Saraakiisha caafimaadka ee gobolka ayaa sheegay inay ka walwalsan yihiin soo noqoshada labada xaaladood iyo isbitaal dhigista, Talaadadiina waxay ka hadleen fiditaanka noocyada B.1.1.7.
Sagaal qof oo kale ayaa u dhintey COVID, taas oo keeneysa dhimashada gobolka 6,798.