Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -March 26-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST MARCH 26, 2021
Shir jaraa’id subaxnimadii Jimcaha Gov. Tim Walz wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in laga bilaabo 30-ka Maarso, dhamaan dadka reer Minnesota ee jira 16 iyo wixii ka weyn ay xaq u yeelan doonaan inay qaataan tallaalka COVID.
Tallaabadan ugu dambeysa ee tallaalka ayaa timid kadib markii Madaxweyne Biden uu ballan qaaday kordhinta tallaalka ee dowladda federaalka. Maamulka Walz wuxuu sheegay in bixiyeyaasha gobolka oo dhan ay awoodi doonaan inay ku tallaalaan dad badan oo reer Minnesota ah u-qalmitaanka la ballaariyay.
Mudnaanta tallaalku wali waxay sii socon doontaa dadka waaweyn ee reer Minnesota, dadka qaba xaaladaha caafimaad ee hoose iyo shaqaalaha safka hore. Walz wuxuu yiri waxaan rajeyneynaa laga bilaaba 30 bishaan iney suurtagal noqoto inuu qof walba ee helo fursad u uku qato talaalka, sida la rajeynayay waxaa ay dhan yihiin dad xaqa u lahan doona iney qaata 4.1 milyan oo qof.
Gudoomiyaha ayaa ku dhiiri galiyay reer Minnesota inay hubiyaan inay lasocodeen iskuxiraha Talaalka gobolka. Kuwa raadinaya ballan sidoo kale waxay la xiriiri karaan bixiyaha xanaanadooda caafimaadka, farmashiyaha maxalliga ah, ama waxay isticmaali karaan Khariidadda Soo-helidda Tallaalka si ay u helaan goob degaanka ah