Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -April 5-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST April 5, 2021

Toddobaadka fasaxa Easter-ka ayaa saameyn ku yeelanaya qulqulka caadiga ah ee xogta COVID-19 oo ay sii deysay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH). Sidoo kale  MDH ayaa sheegtay in 1,385 infekshan COVID 19  oo cusub la diiwaan galiyay saacadihii ugu dambeeyay Sabtida, taasoo riixeysa wadarta guud ee kiisaska Minnesota ee COVID-19 iney weli kor u sii kacayaan.

Toban dhimasho oo dheeri ah ayaa loo aaneeyey COVID muddadii warbixineed ee ugu dambeysay, taas oo wadarta dhimashada u dhimatay 6,885 Dhimashooyinkaas 4,293 (62%) waxay kuxiran yihiin daryeelka muddada-dheer ama bay’adaha nolosha lagu caawiyo.

Dadaalka talaalka gobolka wuxuu kusii socdaa horumar dhinacyo badan, iyadoo 1,808,896 reer Minnesota ah lagu talaalay uguyaraan hal qaadasho ilaa Jimcaha. Taasi waa 41% dadka deggan gobolka oo ah 5.6 milyan. MDH waxay tiri 1,164,182 qof ayaa dhameystiray taxanaha oo si buuxda ayaa loo talaalay. Tirooyinka tallaalka Arbacadii iyo Khamiistii la soo dhaafay ayaa aad u badnaa, iyadoo 78,372 la tallaalay Arbacadii iyo 79,681 Khamiistii.

Dadaalka tallaalku wuxuu heli doonaa kor u kac bilowga Abriil 14, marka gobolka Minnesota iyo FEMA ay iska kaashanayaan sidii loo furi lahaa rugta tallaalka oo ballaaran barxadaha gobolka. Hadafku waa in la tallaalo 100,000 oo ka mid ah dadka ugu nugul ee deggan Minnesota muddo sideed toddobaad gudahood ah.

Recent Posts

Leave a Comment