Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -April 19-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST April 19, 2021
Waaxda caafimaadka ee gobolka Minnesota ayaa manta oo ah Isniin 4/19/21 sheegtey in laga helay 1,292 kiis oo cusub oo ah COVID-19. Iyadoo sidkalena dadka u dhintey manta ay ahaayen dad gaaraya lix qof.
Sidoo kale waaxda caafimadka MDH, ayaa shegtey inuu cudurka Koronafayriska ku dhacay dad gaarya si 557,665 hada ilaa iyo sanadkii jore markii cudurka laga helay. Sidoo kalena dhimashada ayaa dhan 7,026 oo dhimasho ah tan iyo bilowgii cudurka Koronfayriska. Dhimashada cusub ee la soo sheegay, afar qof ayaa deganaa xarumaha daryeelka muddada-dheer.
Dhanka kale, qiyaastii 52% dadka reer Minnesota ee jira 16 iyo wixii ka weyn ayaa helay ugu yaraan hal qiyaas oo tallaal ah. Qiyaastii 85% ka mid ah kuwa jira 65 iyo ka weyn ayaa helay ugu yaraan hal qiyaas, iyo 41% guud ahaan dadka ayaa helay ugu yaraan hal qiyaas.
Laga bilaabo Isniinta, 2,292,756 reer Minnesota ah ayaa qaatay ugu yaraan hal qiyaas, halka 1,625,800 ay qaateen labada qiyaasood. Waqtigaan la joogo 682 qof ayaa la jiifiya COVID-19 Minnesota oo dhan, 172 ka mid ah waxay ku jiraan ICU.