Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -April 29-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 1:00 PM CST April 29, 2021

Dhowr maalmood u dambeeyey ayaa waxa kor u kacay kiisaska COVID-19 dadka laga helayey, xog ay khamiistii soo saartay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) waxay muujineysaa in infekshannada cusub ee COVID-19 ay ku soo noqdeen meel u dhow calaamadda 2,000.

Waaxda caafimadka ee gobolka Minnesota MDH waxay diiwaangelisay 1,921 kiis oo cusub maalintii la soo dhaafay, taasoo ka dhigaysa wadarta gobolka 573,938 tan iyo bilowgii cudurkan. Shan iyo toban dhimasho cusub ayaa loo aaneeyey COVID khamiistii, taasoo wadarta dhimashada u dhigeysa 7,128. Dhimashooyinkaas 4,365 (61%) waxay kuxiran yihiin daryeelka muddada-dheer ah ama goobaha nolosha lagu caawiyo.

Bukaanada isbitaalada wali wey sarreeyaan laakiin waa joogto, iyadoo 644 qof laga daweynayo fayraska bukaan-jiifka laga bilaabo Arbacada. Bukaannadaas 176 ka mid ah waxay leeyihiin calaamado halis ah oo ku filan oo loogu baahan yahay daaweynta ICU.

Dadaalka tallaalka ee Minnesota ayaa ka gudbay marxalad kale, iyada oo in ka badan 2.5 milyan oo dadka deegaanka ah ay heleen ugu yaraan hal qiyaas (2,507,381). Taasi waa 56.8% kuwa hadda u-qalma. Dashboardka tallaalka gobolka wuxuu leeyahay 1,857,191 qof ayaa dhammeystiray taxanahooda COVID-19, waxaana loo arkaa inay si buuxda u tallaalan yihiin.

Recent Posts

Leave a Comment