Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -May 3 29-2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 3, 2021
Waaxda caafimadka ayaa sheegtey manta in Gobolka Minnesota uu ku dhow yahay guul muhiim ah dagaalka ka dhanka ah COVID-19, maadaama tirada dadka qaatey talaalka cudurka COVID-19 labada qidmadood ay kor u kacday, labadan wiig soo socda ay gaari doonan labo milyan oo qof. Laga bilaabo Sabtida 1,984,517 qof ayaa dhammeystiray taxanahooda tallaalka, 45% ka mid ah kuwa hadda u qalma in la tallaalo.
Dadka cusub ee laga helayey caabuqa COVID-19 ayaa hoos u dhacay, iyada oo waaxda caafimadka MDH ay soo tabisay 1,105 qof laga helay cudurka manta. Bukaanada isbitaalada ayaa sidoo kale hoos usii dhacaya sidoo kale, iyadoo 576 qof lagu daaweeyay bukaan jiif ilaa iyo Axada, 155 kamid ah kuwa kujira ICU. Wadarta isbitaalada ayaa hada gaaraya 30,370 tan iyo markii uu viruska yimid Minnesota.
Saddex qof oo kale ayaa u dhintey manta cudurka COVID, taas oo wadarta dhimashada ka dhigeysa gobolka 7,163. Feyrasku wuxuu saameynta ugu daran ku yeeshay da’daas 85 ilaa 89, iyadoo 1,320 ay u dhinteen kaliya 6,661 kiis oo laga helay.
Afarta degmo ee ugu dadka badan gobolka ayaa diiwaangaliyay waxqabadka ugu badan ee COVID. Degmada Hennepin waxay diiwaangelisay 120,414 xaaladood iyo 1,707 oo dhimasho ah, waxaa ku xigay degmada Ramsey oo ay u dhinteen 50,136 xaaladood iyo 864 dhimasho, degmada Dakota oo ay ka jiraan 44,828 xaaladood iyo 439 dhimasho ah, iyo degmada Anoka oo leh 40,609 xaaladood iyo 432 dhimasho ah.