Warbixintii u dambeysey ee COVID-19 -May 10-2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST May 10, 2021

 

Markii ugu horreysay in ka badan laba toddobaad waaxda caafimaadka gobolka ayaa ka warbixinteda manta ku sheegtey inaysan jirin wax dhimasho ah oo  COVID-19 dartiis ah.

Xog laga helay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (MDH) ayaa sheegaysa in aan la soo sheegin wax dhimasho ah oo la xiriira fayraska 24-kii saac ee la soo dhaafay. Taasi waxay ka dhigan tahay dhimashada guud ee Minnesota waxay sii joogi doontaa 7,231 tan iyo markii uu billowday masiibada.

MDH waxay diiwaangelisay 1,191 oo laga helay cudurka caabuqa ee COVID-19.

Bukaanada ku jira Isbitaalada maalinlaha ah ayaa hoos u sii dhacaya iyadoo 500 bukanadas laga daweynaayo, cudurka caabuqa COVID-19, Bukaannadaas 133 ka mid ah waxay ku jiraan qeybta caafimad daryeel ICU ah.

Tirada dadka hadda qaatey hal qiyaas oo ah tallaalka COVID ayaa si isdaba joog ah u koraya, iyadoo hadey sidaan sii socoto oo la gaaro in bulshada dagan. Taasi waa 60.3%, Gov. Tim Walz wuxuu leeyahay waajibaadka maaskarada ee gobolka oo dhan wuu dhammaan doonaa marka tiradaasi kororto ilaa 70%.

Recent Posts

Leave a Comment