Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST July 12, 2021
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST July 12, 2021
Tirada kiisaska cusub ee COVID-19 ayaa weli ku hoos jira calaamadda 200 inkasta oo laga walaacsan yahay joogitaanka noocyada cusub ee Delta.
Xogta ay soo saartay Waaxda Caafimaadka Minnesota (MDH) Isniinta ayaa muujineysa 189 kiis oo cusub oo COVID ah maalintii la soo dhaafay, taasoo wadarta guud ee infekshinka u geyneysa 606,484 tan iyo bilowgii cudurka faafa. Kiisaska cusubi waxay ku saleysan yihiin natiijooyinka 13,976 baaritaan (11,141 PCR, 2,835 antigen) oo laga baaraandegay shaybaarrada gaarka loo leeyahay iyo kuwa gobolka.
Dhallinyarada qaangaarka ah ayaa ka kooban koox-kooxeedyada ugu badan ee kiisaska COVID ee Minnesota, iyadoo kuwa da’doodu tahay 20 illaa 24 ay u dhigmaan 58,566 xaaladood iyo shan dhimasho, iyo dhiggooda da’doodu tahay 25 illaa 29 oo tiradoodu tahay 53,684 xaaladood iyo siddeed dhimasho. Marka la isku daro waxay ka kooban yihiin ku dhowaad 20% guud ahaan kiisaska gobolka.
MDH ayaa sheegtay in laba qof oo kale ay u dhinteen fayraska, taasoo ka dhigaysa dhimashada gobolka 7,624. Dadka da’doodu udhaxeyso 85 ilaa 89 ayaa ah kooxda ugu badan ee dhimashada COVID, iyadoo 1,362 kaliya laga helay 6,775 kiis oo cudurka laga helay.
Laga soo bilaabo Jimcihii la soo dhaafay (tirooyinkii ugu dambeeyay ee la heli karo) 102 qof ayaa lagu daweynayay cisbitaalada Minnesota ee COVID, 23 ka mid ah ayaa u baahan daryeel ICU.
Wadarta isbitaalada la galiyay fayrasku waa ilaa 32,827 tan iyo markii ugu horeysay ee COVID yimid gobolka. MDH waxay sheegaysaa 597,848 qof oo mar tijaabo laga qaaday ay soo fiicnaadeen ilaa heer aysan u baahnayn go’doon.