Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST July 14, 2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST July 14, 2021

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa soo warisay 208 kiis oo cusub oo ah COVID-19 iyo saddex dhimasho cusub Arbacadii. Guud ahaan 7,630 qof ayaa u dhintey viruska gobolka. Dhimashooyinkaas, 4,488 ayaa ku xirnaa daryeelka muddada-dheer ama nolosha la caawiyey.

Tan iyo bilowgii cudurka faafa, 607,069 qof ayaa laga helay viruska Minnesota. Bukaanada isbitaalada la seexieye ee u ku dhacay fayrasku waa ilaa 32,900 tan iyo markii ugu horeysay ee COVID yimid gobolka. MDH ayaa sheegtay in 598,316 qof oo mar isku tijaabiyay ay fiicnaadeen ilaa heer aysan u baahnayn go’doon.

Marka laga hadlayo dadaalka tallaalka ee gobolka, 3,093,086 qof oo da’doodu tahay 16 iyo wixii ka weyn ayaa helay ugu yaraan hal qiyaas oo ah tallaalka COVID-19 sida ku cad xogta ugu dambeysa ee MDH. Kooxdaas, 2,942,415 ayaa loo arkaa inay si buuxda u tallaalan yihiin.

Recent Posts

Leave a Comment