Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST July 1, 2021

 In Local Somali News

Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio

Warka waxaa la daabacay: 2:00 PM CST July 1, 2021

Xaaladaha cusub ee COVID-19 ayaa  kor ukac cusub sameysey manta oo khamiis ah, iyadoo 102 qof oo cusub laga helay sidey warbixinteeda maalmaha ah ku sheegtey Waaxda Caafimaadka ee Minnesota. Tirada guud ee infekshannada COVID ee laga soo sheegay Minnesota ayaa hadda mareysa 605,448.

Waaxda caafimaadka  waxay sheegtey shan dhimasho oo kale oo la soo tabiyay khamiistii, iyadoo taasi ka dhigeysa  wadarta guud ka dhigeysa 7,599 oo dhimasho ah tan iyo markii uu bilaamay cudurka.

Marka loo eego xogta tallaalka gobolka, 3,061,507 qof oo 16 iyo wixii ka weyn ayaa helay ugu yaraan hal qiyaas oo ah tallaalka COVID, ama 67% dadkaas. Si kastaba ha noqotee, MDH waxay sheegtay in xogta aysan ku jirin tallaalada ilaha federaalka, sida isbitaalada VA iyo kuwa kale.

Iyadoo lagu saleynayo muraayada tallaalka MDH, tiradaasi waxay ka hooseysaa Yoolkii uu Guddoomiye Tim Walz ee ah in boqolkiiba 70% dadka reer Minnesota ah ee ugu yaraan hal tallaal la tallaalo bisha Luulyo 1. Hase yeeshe, markii uu ka hadlayey Miisaaniyadda Soo-kabashada Gobolka ee COVID-19 Arbacada, wuxuu saadaaliyay in gobolka ayaa garaaci doona hadafkiisa wiigaga soo socda.

Recent Posts

Leave a Comment