Wararkii u dambeyey ee cudurka caabuqa ee COVID-19 12-10-21
Qore: Shaqaalaha Wararka KALY Somali American Radio
Warka waxaa la daabacay: 3:00 PM CST December 10, 2021
Kumanaan kiis oo cusub iyo daraasiin cusub oo COVID-19 ah ayaa laga soo sheegay Waaxda Caafimaadka ee Minnesota. Sida laga soo xigtay MDH, 4,554 qof oo dheeri ah ayaa laga helay fayraska, taas oo wadarta guud tan iyo markii uu cudurku bilaabmay ka dhigay 956,779.
Jimcihii, saraakiisha MDH waxay soo sheegeen 58 dhimasho oo cusub oo COVID ah. Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah qof da’diisu tahay 20 jir oo ku nool degmada Anoka. Wadarta guud ee dhimashada Minnesota waa 9,872 tan iyo markii uu cudurku bilaabmay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in 5,036 dhimasho ah ay ka dhaceen daryeelka muddada-dheer ama xarumaha la caawiyo. Marka loo eego xogtii u dambaysay ee MDH ee la hayo, 1,678 qof ayaa lagu dawaynayaa COVID cosbitaalada gobolka, iyadoo 1,340 ay ku jiraan sariiro aan ICU ahayn iyo 338 ICU.