COVID-19 Ka Muddada dheer iyo Saamaynta Caafimaadka Maskaxda: Qaybtii Koowaad.
Hordhac:
Faafida COVID-19 waxay soo bandhigtay caqabado aan hore loo arag adduunka oo dhan, oo aan saamaynaynin caafimaadka jidhka oo keliya laakiin sidoo kale fayoobida maskaxda. Bulshooyinka adduunka oo dhan, oo ay ku jiraan bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota (MN), ayaa la kulmay saameynta daba dheeraatay ee masiibada COVID-19. Maqaalkani waxa uu ujeedadiisu tahay in uu bixiyo tilmaamo ku saabsan sida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool MN ay si wax ku ool ah ula qabsan karaan saamaynta muddada fog ee COVID-19 ee caafimaadka dhimirka oo ay u dhisaan adkeysi xilliyadan adag.
Aqoonso saamaynta masiibada COVID-19 muddada dheer inuu dhaawaco caafimaadka maskaxda. Waa muhiim in la aqoonsado lana xaqiijiyo caqabadaha shucuureed iyo maskaxeed ee ay la kulmaan shaqsiyaadka u uku dhaco COVID-19 muddada dheer ee ka tirsan bulshada Soomaaliyeed.
Horumarinta wadahadal furan oo daacad ah oo ku saabsan caafimaadka dhimirka ee bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ah. Ku dhiirigelin bulshada Soomaaliyeed inay la wadaagaan welwelkooda, cabsidooda, iyo khibradaha la xiriira COVID-19 muddada dheer dhakhaatiirta iyo dadka ku taqasusey cudurka dhmirka. Wada hadalkani wuxuu kaa caawin karaa dhimista ceebaynta iyo kobcinta jawi taageero leh.
Faafinta macluumaadka saxda ah ee ku saabsan COVID-19 muddada dheer, oo ay ku jiraan saameyntiisa caafimaadka dhimirka. La wadaag kheyraadka oo kor u qaad wacyiga ku saabsan arrimaha caafimaadka dhimirka ee caadiga ah sida walaaca, niyad-jabka, iyo xanuunka walbahaarka kadib (PTSD) kuwaas oo soo bixi kara inta lagu jiro muddada dheer ee masiibada COVID-19.
Raadsashada Taageerada Caafimaadka Maskaxda ee Dhaqan Soomaali ahaan Hufan:
Isku dhiirigelinta bulshada Soomaaliyed inay raadsadaan caawimo xirfad leh dhakhaatiirta caafimaadka dhimirka yaqaana iyo dhaqanka Soomaalida oo ka bixin kara daryeel dhaqan xasaasi ah. Kor u qaadida wacyigelinta agabka iyo adeegyada la heli kari karaan bulshada Soomaliyeed ee degan Gobolka MN.